Gen. Gorod oo dalbaday in la fasaxo lacagtii lagu qabtay Garoonka Diyaaradaha

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed C/wali Jaamac Xuseen (Gorod) ayaa markii ugu horeysay wuxuu faah faahin ka bixyay lacagtii 9.6 Milyanka aheyd ee Axadii ina dhaaftay Ciidamada ammaanka ay ku qabteen Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Wuxuu sheegay Gen. Gorod oo la hadlay Idaacadda VOA-laanteeda Afa Soomaaliga lacagtan kahor inta aan la soo dirin in ay la soo xiriireen Masuuliyiin ka tirsan Imaaraadka Carabta, laguna balansanaa in ay ka soo degto Magaalada Boosaaso, kadibna Muqdisho la keeno, tirada lacagtana aanan loo sheegin cadadeeda.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay markii Ciidamada ammaanka ay gacanta ku dhigeen lacagtan in uu si deg deg ah ku tagay Garoonka Diyaaradaha, uuna amray in lacagta ay Dowladda gacanta ku dhigto, si baaris loogu sameeyo, maadaama Safriirka Imaaraadka uu diiday in la baaro Boorsooyinka, taasina uu ka dhashay shakiga.

Dhanka kale Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed C/wali Jaamac Xuseen (Gorod) ayaa sheegay in Imaaraadka ay u imaan jirtay lacag, balse lacagtan ay ka badan tahay midii horey ugu imaan jirtay, taasi oo ay siin jireen Ciidanka Xoogga dalka iyo kuwa Puntland, wuxuuna ugu dambeyn Hay’adaha ammaanka ka dalbaday hadii lacagta la baaro kadib in la fasaxo.

“Aniga cadadkooda ma aqaan, laakiin lacag way u imaan jirtay bil walba, maya maya la iima sheegin lacagta, waxaan islahaa qiyaasta lacagta Laba Milyan oo aan ka badneyn Mushaaraadka Ciidamada iyo shaqooyinkooda ka socda Safaaradda.” Ayuu yiri Gen. Gorod.

Waxaa jira waddamo xiriir la leh Dowladda Federaalka oo taakuleeya laamaheeda kala duwan, balse taakuleynta dhaqaale waxaa Dowladda waxaa loo soo marsiiyaa habraac waa faqsan shuruucda dalka iyo kuwa caalamiga ah ee la xiriira isu-gudbinta lacagaha.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*