Madaxweynaha Faransiiska oo ka hadlay Dagaalka Al-Shabaab

Ka dib kulan ka dhacay Magaalada Paris ee Caasimadda dalka Faranciiska kasoo oo dhexmaray Madaxweynaha Faranciiska iyo Dhaxal-sugaha dalka Sacuudiga, Maxamed Bin Salmaan ayaa waxaa looga hadlay dagaalka Al-Shabaab ee ka socda Soomaaliya.

Madaxweynaha Faranciiska ayaa sheegay in dowladdiisa ay bixin doonto dhaqaalle dheeraad ah oo loogu tala galay in lagu dagaallamo Al-Shabaab.

Waxaa uu sidoo kale tilmaamay in ay si weyn u taageeri doonaan ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM kuwaa soo dagaal kula jira Al-Shabaab.

Emmanuel Macron ayaa xusay in ay muhiim tahay in dunido ay sare u qaado dagaalka ka dhanka ah Ururadda Argagixisadda.

Wasiirka Difaaca ee Sucuudiga, Maxamed Bin Salmaan oo dhankiisa Warbaahinta la hadlay waxaa uu sheegay  ku dhawaad 100 -million oo Dollar ku taageeri doonaan Hawlgalka AMISOM ee ka socda Soomaaliya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*