Mas’uul ka tirsan Maamulka Hirshabeelle oo gaarigiisa Qarax loogu xiray (Faah faahin)

Wararka naga soo gaarayo magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Shabeellaha dhexe ayaa sheegaya in Qarax loogu xiray gaarigiisa mid ka mid ah mas’uuliyiinta Maaliyadda maamulka Hirshabeelle.

Mas’uulka ayaa magaciisa lagu soo koobay Abaadir,wuxuuna yahay mas’uulka ugu sareeya maamulka Maaliyadda Gobolka Shabeellaha dhexe,inkastoo Qaraxa gaariga loogu xiray waxba ka soo gaarin.

Abaadir oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Qaraxa gaarigiisa loogu xiray,islamarkaana markii la ogaaday ka dib Ciidamada ay ka howlgaleen kana soo saareen gaariga sidaasina ay ku qarxiyeen.

Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyada Qaraxa.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*