Maxaa ku Keli yeeley Dhalinyarada Bajaajleeyda Cirbada la sheegay in la isku durayo ?

Maalmahaan Waxaa Magaalada lagu qalqalgeliyey Gabar baa Cirbad HIV/AIDS  ku durtey Wiil Bajaajle ah mana yareyn Dhacdooyinkaas u Dhaxeeya Gabdha iyo Bajaajleyda , Hadaba waxaa is weydiin Mudan maxaa ku keli yeeley Bajaaleyda Barnaamijkaan  iyadoo la ogyahay in Gabdhaha ay raacaan Gawaarida BL-ka, Tagaasida, iyo Gawaarida kale ee raaxada Su’aashaas waxaan u daynayaa Bulshada Soomaaliyeed .

Dhinaca kale Gabdhaha oo aan ognahay in ay aad u Tabar yar yihiin marka loo fiiriyo Ragga sidee ayey ku suurta gashey in Gabar ay Cirbad ku mudo wiil Dhalinyaro ah oo aan ognahay in uu ka Xoog badan yahay sidaa Darteed ma jirto Gabar Nafteyda sidaa ku biimeyn karto in ay falkaas ku kacdo , sidaa darteed loo qaateen bay noqon lahayd hadii la dhihi lahaa nin baa wiil Bajaajle ah Cirbad ku mudey, sidoo kale  maadaama gabdhaha ay yihiin kuwa ugu badan ee Raaca  Bajaajka , sow uma Muuqato mid la doonayo in meesha looga saaro Xiriirka u dhaxeeya Gabdhaha iyo Bajaajleyda marka  Bajaajleey Suuqaas yuu idiin ka Xirmin.

  Magaalada Muqdisho ayaa mar kasta Barnaamij loo soo alifaa si Bulshada Argagax loogu abuuro  waxaana ka mid ahaa Barnaamijyadaas

1-Dabacadeeye Lacag badan lagu iibinayaa.

2- Muufo Rabi.

3-Diin ayaa lacag badan lagu gadayaa.

4- Canug afar habeen jira baa Hadley.

5- Dad Juudaan qaba Magaalada soo galey

6- Hilb Dameer oo la iibinaya ayaa la arkey.

7-  Hilb Dhurwaa  oo la iibinaya ayaa la arkey

8- Nin iyo Naag isku Dhagey baa la arkey

9- Haatana waxa mareysaa Gabar baa Wiil Bajaajley Cirbad ku durtey

Waxaas oo dhan markii la daba galey waxay noqdeen kuwa Been Abuur ah.

Waxaan Xirirr la sameeyey Gudiga qaabilsan Xanuunka ee (South and Central AIDS Commission)  oo marka la soo gaabiyo loo yaqaan SCAC waxay ii sheegeen in arrinta Bajaajka ay tahay arrin lagu jahawareerinayo Bulshada ku nool Magaalada Muqdisho iyagoo sheegey in Gabadhii Tarbuunka ee lagu been abuurtey laga waayey Xanuunkaas iyadoo Gabadhaas ahayd Gabar Madaxa looga jirey.

Sidoo kale  waxaana La Xiriiray Urur ay leeyihiin Dadka la nool Xanuunkaas waxay ii sheegeen in ay Been abuur tahay Wararkaas ku saabsan Xanuun la fidinayo waxayna Bulshada soomaaliyeed ee ku nool Magaalada Muqdisho in aysan Dhibaato hor leh u geysan Dadka la nool Xanuunka HIV AIDS.

Sidoo kale waxaa  Barnaamijkaan Bajaajleyda iyo Gabdhaha beeniyey Afhayeen Amniga Cabdicasiis Xildhibaan oo sheegey in uu yahay Barnaamij lagu sharaf dilayo Gabdhaha Soomaaliyeed isagoo digniin u direy dadka faafinaya Barnaamjikaan Been abuurka ah

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*