King Ck oo weerar afka ah mar kale baalasha kaga rifay Dirisle Cabdi.

King Ck oo weerar afka ah mar kale baalasha kaga rifay Dirisle Cabdi.

Dagaalka Youtubers ka caanka ah ee King Ck iyo Dirisle Cabdi oo markale dib u qarxay.
Waxaana arrintan ay sababtay bahdilaad xad dhaaf ah oo ka dhan ah Dirisle cabdi.

Dagaalka labada youtuber ayaa dhaliyay xifaaltan aad u weyn waxaana si kala duwan uga hadlay dagaalkooda youtuber-ro ay kamid yihiin Qurux ku dhiigle iyo Ayuub Kaarlo iyo sidoo kale qeybaha kala duwan ee warbaahinta.
arrintan ayaa waxaa kaloo falanqeyn baahsan looga sameeyay baraha bulshada.

King Ck oo ciyaar xiiso badan tiktok kula yeeshay Ayuub kaarlo habeennimadii isniinta, ayaa weerar afka ah oo ku karbaashay Dirisle abdi.
Waxa uu sheegay Ck in Dirisle yahay ilmo caana nuug ah kaasi oo magac ku raadinaya dagaalkiisa.
“Wey adag tahay in uu Dirisle si fudud ku gaaro 1 Million youtube subscribers,waayo waa qof liita oo doonaya inuu hadalhayn ka raadiyo magaceyga”
King Ck ayaa ciyaartii uu la yeeshay Ayuub kaarlo hadalkaasi ka shaaciyay.

Ma ahan markii ugu horreysay labadan youtuber ay ku xifaaltamaan youtube.waxaana horraantii sanadkii 2018 kii dhexmaray dagaal kan oo kale kaasi oo ku saleysnaa arrimo la xiriira caannimadooda.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published.

x Logo: Shield Security
This Site Is Protected By
Shield Security