Subxanallah:Fatxiyo Cabsiiye oo diinta si xun ugu geftay.

Subxanallah:Fatxiyo Cabsiiye oo diinta si xun ugu geftay.

Fatxiyo cabsiiye oo ah filim sameeye haysata dhalashada Mareykanka ayaa waxey horraantii bishan si xun uga hadashay arrimo la xiriira qoyska ayadoo wareysi siineysa Tv laga leeyahay dalka mareykanka.waxey si qarsoodi ah u qeexday in dumarka la xoogi karo isla markaana loo galmoon karo.

Xog sir ah oo aannu ka helnay ilo ku dhow Fatxiyo Cabsiiye, ayaa inoo caddeeyay inay jiraan muuqaallo ay ugu fatwooneyso haweenka Soomaaliyeed, ayadoo ku boorrinaysa inay awood u leeyihiin inay ninkooda u diidaan gogol kolka aysan dareemeyn shahwo.

Dhanka kale,qaar kamid ah culimada Soomaaliyeed ayaan arrintan carrabka ku adkeeyay waxayna sheegeen in ay jiraan dad doonaya inay ku beeraan haweenka soomaaliyeed dhaqamada xun xun ee reer galbeedka.
Sheekh Shibli oo kamid ah culimada ugu weyn dalka kenya oo kahadlay arrintan ayaa daaha ka rogay inaysan bannaaneen in haweenka ay isu diidaa nimankooda ayagoonan heysan cudur daar macquul ah.

Waa markii ugu horreysay haweeney Soomaaliyeed oo sidata fikrad dafireysa diinta ay ka hadasho arrin noocan oo kale.
Fatxiyo cabsiiye waa qoraa Soomaali-Mareykan ah, soo saare, jilaa iyo filim sameeye. Waxay la shaqaysay labo dokumentary, iyo sidoo kale sheekooyin mala -awaal ah, waxayna daabacday sheeko graphic ah oo cinwaankeedu yahay,
The Imperceptible Peace Maker.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

x Logo: Shield Security
This Site Is Protected By
Shield Security