Al-shabaab:-“5-askari oo Ka Tirsanaa AMISOM iyo Koonfur Galbeed ayaan Dilnay”,

Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Qarax iyo dagaal u dhaxeeyay Ciidamadda AMISOM, kuwa Dowladda iyo Ciidamadda Al-shabaab oo saacadihii aynu soo dhaafnay ka dhacay deegaano ka tirsan Gobollada Baay iyo Shabeelaha Hoose.

Al-shabaab ayaa sheegtay Mas’uuliyadda qarax Miino oo ka dhacay Saldhig Ciidamadda koonfur Galbeed Soomaaliya ay ku  leeyihiin xaafadda ADC ee magaalada Baydhabo,waxayna shabaab sheegeen in qaraxaas lagu dilay 2-askari.

Dhinaca kale weerar ay xoogaga Al Shabaab ku qaadeen saldhigga ciidamada AMISOM ee deegaanka Ambareeso duleedka magaalada Baraawe ayaa sababay dhimashada 3 askari oo ka Tirsanaa Ciidamadda AMISOM gaar ahaan kuwa Uganda.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*